Hargeisa
broken clouds
24.6 ° C
24.6 °
24.6 °
54 %
7kmh
61 %
Fri
33 °
Sat
31 °
Sun
32 °
Mon
33 °
Tue
28 °
spot_img
Friday, September 25, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
UncategorizedMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi u Diray Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Tacsi u Diray Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar Yare) oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu ahayd 08/11/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruugcadaa ah oo ka baxay qaranka Somaliland, xukuumadii Madaxweyne AHU Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ah wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo wasiirka Gashaandhiga, waxa kale oo uu ahaa saraakiishii lagu aas aasay ciidanka Booliska Somaliland, markii aynu la soo noqonay Xornimadeena, doormuhiimana waxa uu ku lahaa nabadayntii shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan iyo dib u dhiskii dalka, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa dadka ay ku dheertahay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles