Hargeisa
scattered clouds
26.4 ° C
26.4 °
26.4 °
42 %
2.7kmh
29 %
Thu
26 °
Fri
33 °
Sat
31 °
Sun
32 °
Mon
33 °
spot_img
Thursday, September 24, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
OpinionMagaca Maxamed oo sanadkii 5-aad kaalinta 1-aad ka galay dal aan maamul ahaan Muslim ahayn

Magaca Maxamed oo sanadkii 5-aad kaalinta 1-aad ka galay dal aan maamul ahaan Muslim ahayn

Arbaca, (Hargeysa, 22-12-2021)– Tirakoob laga sameeyey dalka Ingiriiska oo uu fuliyey webka BabyCentre ayaa muujinaysa in 2021 uu markale magaaca Maxamed noqday midka ugu badan ee loo bixiyo carruurta dhalata.

Waxay taasi ka dhigan tahay in magaca Maxamad uu sanadkii 5-aad oo xiriir ah oo uu koobka qaaday, sida ay muujinayso xogta BabyCentre oo maanta la daabacay.

Magacyada 2-aad iyo 3-aad ka galay dalka UK ayaa kala ah Noah (Nuux) iyo Oliver, kuwaasoo sidoo kale sanadkii tegeyna boosaskaa galay. Halkan ka arag magacyada.

Yeelkeede, 9 magac oo cusub ayaa soo galay taxa 100-ka magac ee ugu shacbiyadda badan, waxaana ka mid ah magacyada ay inta badan Muslimiintu la baxaan ee Cumar oo 79-aad galay iyo Cabdul oo 90 yimid.

Dhanka gabdhaha dhashay waxaa ugu badan magaca Olivia kaasoo markale booskiisa 1-aad kusoo noqday kaddib markii uu sanadkii tegey 2-aad u diray magaca Sophia.

Magacyada Faadma iyo Nuur ayaa iyaguna 20 boos kor u boodey si ay uga mid noqdaan 100-ka magac ee ugu sarreeya kuwa gabdhaha sanadkan loo bixiyey.

Si kastaba se 11 magac gabdhood oo cusub ayaa kusoo biiray 100-ka magac ee ugu sarreeya, waxaana ka mid ah Lara oo gashay 94 iyo Mirha oo ku jirta 98.

 

hadalsame

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles