Hargeisa
scattered clouds
26.4 ° C
26.4 °
26.4 °
42 %
2.7kmh
29 %
Thu
26 °
Fri
33 °
Sat
31 °
Sun
32 °
Mon
33 °
spot_img
Thursday, September 24, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
Wararka Caalamka"Muddo kordhinta maya , doorasho haa , maalin lagu dari maayo" Musharrax Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro.

“Muddo kordhinta maya , doorasho haa , maalin lagu dari maayo” Musharrax Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo Hadda Khudbad ka Jeedinaaya fagaaraha ay ku soo dhoweeyeen bulsho weynta Burco deggan isaga Xubnaha kale ee Xisbiga WADDANI ayaa waxaa khudbadiisa ka mid ah:
“Xukuumadda madaxweyne Muuse waxay u muuqataa inay ku fashilantay hogaamintii Somaliland , si ay fashilkeeda u qariso waxay bilawday qala-laase siyaasadeed , muran dastuuriya , xukuumadda muuse wakhti ayay leedahay wayna tagaysaa , Shacabka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inaynu ka tashano inaynu dalka ka bad-baadino xukuumadda Muuse .
“Wuxuu dhaliyay muran ujeedo kaliyaanu ka leeyahay oo ah muddo kordhin , Muddo kordhinta maya , doorasho haa , maalin lagu dari maayo , Burco wey midawday ee shuusho bax “.
“Madaxweynuhu wuxuu dagaal qaawan ku soo qaaday asxaabtii qaranka , shalay waad ogeydeen oo waxaa xarunta danbi baadhista Somaliland looga yeedhay Xirsi oo ah gudoomiyaha xisbiga Waddani , Muuse wuxuu qaaday Jid lidi ku ah midnimada umada iyo jiritaanka umadda miyaynu ka yeelnaa ? Ka yeeli mayno ” ayuu hadalkiisa sii raaciyey isaga oo ka hadlaaya dhacdadii shalay C. I.D-dugu yeedhay Guddoomiyaha Xisbga Waddani.
Musharrax Cirro isaga oo doorashada soo socota ka hadlaaya waxa uu yidhi, ” Haduu doorashada qaban waayo u aqoonsan mayno madaxweyne “
- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles