Hargeisa
scattered clouds
19.7 ° C
19.7 °
19.7 °
87 %
3.6kmh
45 %
Thu
27 °
Fri
28 °
Sat
29 °
Sun
28 °
Mon
25 °
spot_img
Thursday, October 15, 2026

Eritrea Expands Solar Energy Program to Improve Rural Livelihoods

Asmara: Eritrea has launched a new program...

Eritrea Opens New Port Facilities in Bid to Expand Regional Trade

Eritrea has officially launched new port facilities...
HARGEYSAAWI | City PagesShil Baabuur oo Khasaare Gaystay Magaalada Hargeysa.

Shil Baabuur oo Khasaare Gaystay Magaalada Hargeysa.

(Salaasa, 11-01-2022)-shilalka baabuurta ayaa dhowaanahan ku soo batay caasimadda Magaalada Hargaysa. Saddex waddo oo kale ah wadada Berbera qabata, wadada Sallaxlay iyo wadada Gebilay ayaa ah wadooyinka ugu badan ee ay maraan gaadiidka ugu badan ee ka baxa ama soo gelaaya caasimadda Hargeysa.

Waxaa inta badan jira shilal bilkasta ka dhaca waddooyinkan oo sababa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyeed.

haddaba Maanta Shil Gaadhi ayaa Ka Dhacay Masalaha Hargeysa. Baabuurka shilkan gaystay ayaa ah baabuurka nooca loo yaqaano tagsiga. Ma jiro khasaare ballaadhan oo ka dhashay shilkan, marka laga reebo laydhkii oo ka go’ay xafiisyo badan iyo guryo door ah.

baabuurkan ayaa jiidhay bir laydh oo ku taalay agagaarka wadada masallaha.

wasaaradda Gaadiidka Jamhuuriyadda Soomaaliland ayaan weli wax amaro ah ka soo saarin shilalka ka dhaca magaalada Hargaysa iyo gudaheeda marka laga reebo in ay idaacadaha iyo Tv-yada maxaliga ah ka sii dayso in la ganaaxayo qofka  gaadiidka ku wada si waafaqsan shuruucda gaadiid wadista.

- Advertisement -spot_img

Latest Articles

- Advertisement -spot_img

Check out other tags:

Most Popular Articles